Dowlada Mareykanka Oo Sheegtay in ay Duqeyn ka fuliyeen Deegaano Katirsan Jubbaland

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa Arbacadii ina dhaaftay Duqeyn la beegsaday saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Waqooyi Galbeed ee Magaalada Kismaayo, meel u dhaw degaanka Jannaay Cabdalle.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan si gaar ah loola beegsaday gaari Miineysan oo xubno Shabaab ka tirsann ay saarnaayeen.

Mareykanka qoraalkiisa kuma aanu sheegin khasaare nafeed oo ururka Al-shabaab ay ku gaarsiiyeen Duqeyntan, balse wuxuu tilmaamay inuu burburiyay gaariga walxaha qarxa lagu soo raray.

Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay Duqeyntan oo dhacday 11-kii bishan April in ay iskaashi kala sameeyeen Dowladda Federaalka, kadibna ay fuliyeen.

Waa duqyantii 12-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasi oo bartilmaameeedsatay ururka Al-Shabaab.