Dowlada Mareykanka oo sheegtay in ay Duqeyn ku dishay xubno ka tirsan AlShabaab

Muqdisho-GNNFM- Ciidamada Millitariga dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegeen Duqeyn 26-kii bishsan Talaadadii ina dhaaftay ka dhacday meel ku dhow degmada Jillib ee Gobolka Jubbada Dhexe in ay ku dileen laba Dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, mid kalena ay ku dhaawaceen.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay Duqeyntan in lala beegsaday fariisin Shabaab ay lahaayeen, intii Howlgalkan uu socdayna aanay jirin khasaare rayidka soo gaaray.

Saraakiisha Ciidamada Mareynkanka ee AFRICOM ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si looga guuleysto ururka Al-Shabaab.

“Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ay wateen Ciidamadeena ayaa waxa ay Duqeyn ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jillib, waxayna ku dileen Laba Argagixisada ka tirsanaa, mid kale ayaan dhaawac gaarsiinay, dad shacab ah Howlgalka khasaare laguma gaarsiin.” Ayaa lagu yiri Qoraalka (AFRICOM).

19-kii bishan February Mareykanka ayaa sheegay Duqeyn ka dhacday degmada Jillib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe in ay ku dileen Saddex Dagaalame oo Shabaab ka tirsanaa.

Al-shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay Saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.