Dowlada Mareykanka oo xulufo u sameysanaya dagaalka Iiraan

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa maanta gaaray dalka Sacuudiga, halkaas oo uu ku yeelan doono wada-hadallo iskaashi oo ka dhan ah Iran.

Pompeo ayaa la filayaa inuu magaalada Jeddah kula kulmo boqor Salman iyo dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan, ka hor inta uusan u duulin dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa u ololeeya in Mareykanka uu si adag u wajaho dalka ay xifaaltamaan ee Iran, kaasi oo toddobaadkii tagay soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanka uu leeyahay.

Isaga oo la hadlayey weriyayaasha ka hor inta uusna ka tagin Washington, ayaa Pompeo waxa uu Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ugu yeeray “laba xulufo oo muhiim u ah caqabadaha ka imanaya Iran.”

“Waxaan kala hadli doonnaa sidii aan ku xaqiijin lahayn inaan u midowno sida aan ku dhisi karno xulufo caalami ah” ayuu yiri Pompeo.

Mareykanka ayaa la filayaa in maanta uu cunaqabteyn dheeraad ah saaro Iran, si looga jawaabo diyaaradii ay soo ridday.