Dowlada Oo Amaro Ku Soo rogtay Shirkadaha Ganacsi ee ka howlgalla dalka

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay shirkadaha Ganacsi ee Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaanibta inay si deg deg ah ku qaataan Leesinka Ganacsi si ay shaqadooda u sii wataan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale la faray  kuwa qaatay Shatiga Ganacsiga ee uu ka dhacsan yahay inay  Cusboonaysiistaan,balse hadii ay ee ku cusboonaysiisan waayaan waqtiga Shatiga ugu qoran ee sanadkan ah la ganaaxi doono.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahaan waday dardar xoogan oo ku aadan la socodka shirkadaha Ganacsi ee ka Shaqeeya Gudaha dalka ha ahaadaan kuwa Soomaalida leedahay iyo kuwa Ajaanibta.