Magalada Muqdisho waxaa haatan ka socota diiwaangelinta Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,diiwaangelintaas oo ay wadaan Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Shaqaalaha Wasaaradda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay siwadajir ah u fulinayaan diiwaangelinta Ciidanka qalabka sida.
“Hannaanka diiwaangelinta ciidamada qalabka sida waa dadaal wadajir ah oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaarada. Si wadajir ah, waa innaa ugu adeegaanaa dadkeena.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Wasiirka in mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ay sii wadi doonaan diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay inay ka go’an tahay diiwaangelinta ciidamada kala duwan ee dowladda si loo helo tirada saxda ah ee ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.