Dowlada oo eedayn u jeediday Somaliland,

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay isku-deygii dil ee uu Muqdisho uga badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan).

Wasiir Fiqi ayaa Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ku eedeeyay isku-deyga fashilmay ee la rabay in lagu khaarajiyo Ugaaska, oo isagu si adag uga soo horjeeda maamulka Biixi.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhacdadaan uu la wadaagay hay’adaha amniga Soomaaliya, si baaritaan qoto dheer loogu sameeyo isku-deyga dil ee uu ka badbaaday Ugaas Mahiigaan.

Eedeynta uu Somaliland u jeediyay Fiqi ee la xiriirta isku-deyga dil ee uu ka badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan) ayaa imaneysa xilli uu Ugaaska afkiisa ka sheegay in kooxdii soo weerartay uu soo dirsaday maamulka Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Biixi.