Dowlada oo faah faahin ka bixisay sababihii Sacuudiga ay taageerada ugu muujisay

Kadib markii la waayay saxafigii u dhashay Boqortoyada Sacudi Carabiya Jamal Khashoggi oo markii ugu dambeysay galay qunsuliyada uu Sucudigu ku leeyahay Istanbul 2-dii bishan Octobar siĀ  uu ugaga soo qaato dukuminti la xiriira Gguur, hase yeeshee illaa iyo maalintaas aan dib loo arkin.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay sababihii ay isku barbar taagtay dowladda dalka Sacuudiga oo caadis xoogan kala kulmeysa dalalka caalamka oo la xiriirta wariyihii la waayay ee dalka Sacuudiga u dhashay.

Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay u taageereen kadib cadaadis iyo hanjabaadyo ay la kulantay Boqortooyada Sacuudiga, balse aaney isu bar-bar taagin arrinta la xiriirta Wariye Jamal Khashoggi.

Ilo ku dhaw dhaw dowlada Turkiga ayaa u sheegay warbaahinta in dowlada Turkiga ay rumeysan tahay in saxafigan lagu dhex diley qunsuliyada, hase yeeshee xukuumada Sacuudi Carabiya ayaa beenisay warkaas waxana ay sheegtay in saxafiga uu ka soo qaatay qoraaladii uu u baahnaa qunsuliyada.

Warar soo baxaya saaka ayaana sheegaya in macquul ay tahay in Sacuudigu uu qirto dilka Wariye Jamal Khashoggi.