Dowlada Oo Fariin Udirtay ganacsatada Somaliyeed

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Eng Cabdullaahi Cali Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa uga digay ganacsatada in qiimo sare ay iibiyaan Qalabka looga Gaashaanto Faafida Cudurka Caronavirus.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in ay  faa’iido ka raadinaya saameynta cudurkaasi.

Waxaa uu sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Ganacsatada qaaliyeeyay Maceeshada si ay uga faa’idaystaan werwerka Cudurka Corona Virus awgii.

Wasiirka ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay diyaar garow ugu jirto ka hor-tagga saameynta dhaqaale ee uu cudurka Caronavirus keeni karo, isaggoo Ganacsatada ugu baaqay inay waajib iska saaraan daryeelka Bulshadda.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa sare u kacay qalabka la iska difaaco Cudurka Corona Virus ee Afka lagu xirto ka dib markii Kiiskii ugu horreeyay laga helay Soomaaliya.