Dowlada oo Gargaar Udirtay Degmo Kamid ah Gobolka Hiiraan..

Degmada jalalaqsi ee gobolka hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay samaynta xoogan ku yesheen daadadka Roobka iyo fatahaada wabiga shabeele waxaana ka baracakay dadkii deganaa magaalada.

Iyadoo laga jawaabayo xaaladda adag ee ka jirta degmada Jalalaqsi iyo Tuulooyinka ku xeeran ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA waxa ay duleedka magaalada Muqdisho ka ambabixisay markii labaad Gaadiid sida shixnad  gargaar ah oo safar dhanka dhulka ah ku tagaya Degmadaas.

Gargaarkaan oo ah Shixnad Gargaar raashin ah ayaa dhan 30 gaadiid ah, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool  gudaha degmada Jalalaqsi iyo tuuloyinka xeeran oo nolol adag wajahaya kadib markii Fatahaad magaladaas uu ka gaystay Wabbiga Shabeelle

gudoomiyaha degmada jalalaqsi oo warbaahinta  la hadlay ayaa dhawaan sheegay in bulshada degmadaasi ka barakacdey ay kusugan yihiin xaalado adag oo xitaa aysan haysan cunto waxaana uu sheegay in bulshadu ay cunayaan cowska xoolaha ee ka baxay meelaha ay u qaxeen.