Dowlada Oo Kahadashay Boobka lagu haayo Soomaalida K/Afrika

Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb, Jamaal Maxamed Barrow  ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay boobka dalkaasi Koonfur Afrika loogu geysamayo dad ay Soomaali ku jiraan,isla markaana ay ka dambeeyaan Kooxo Burcad ah oo u dhashay dallkaas.

Safiirka waxaa uu sheegay in Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi ay Warqad u gudbiyeen Dowladda dalkaas si wax looga qabto boobka iyo dhibaatooyinka kale ee lagu haayo Ganacsatada Soomaaliyeed,hayeeshee weli wax jawaab ah aysan ka helin,hayeeshee looga baahan yahay inay ka hadasho dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka ugu yar ee dhibaatada ay kasoo gaartay Boobka hantiyadeed ee ka socda dalka Koonfur Afrika ayuu sheegay inay yihiin Soomaalida,isla markaana ka safaarad ahaan ay sigaar ah u sameeyeen wacyigelin & talooyin ay siyeen Ganacsatada Soomaalida si ay uga feejignaadaan weerarada kaga imaanaya Kooxaha Burcad Koonfur Afrikaan ah.

Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb, Jamaal Maxamed Barrow   waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka lagula kaco Ganacsatada Somaalida ee alka koonfur Afrika & kuwa haatan socda ay Cashar ka baran karaan,isla markaana taxadar farabadan ay muujin karaan.

Saddexdii Cisho ee la soo dhaafay ayaa waxaa Gudaha dalkaasi Koonfur Afrika meel ka mid ah ka socday Boob loo geysanayo dadka Ajaanibta ah oo dadka Soomalida ay ka mid yihiin,waxaana falkaasi cambaareeyay Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.