Dowlada Oo Kahadashay Xariga Wasiir Janan

Shalay ayay soo baxday in Magalada Muqdsho lagu xiray Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi nuur (Janan), xilli uu transit ku ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kuna sii jeeday Magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,waxaana xarigaas ka hadlay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa xaqiijiyay xariga Wasiirka,waxaana uu sheegay in Wasiirka loo heysto dambiyo kala duwan uu ka galay Bulshada ku nool Gobolka Gedo iyo deegaannada kale ee la deriska ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi nuur (Janan), ay muddo badan baadi goobayeen Ciidamada laanta dambi baarista CID-da ee Booliska Soomaaliya iyo Booliska Aduunka ee ( Interpol).

C/rashiid Janan ayaa Eeda ugu weyn ee loo heysto ayaa waxaa ay la xiriirtaa xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Si kastaba Bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID.

Mohamud Abdikadir Hilaal@MohamudHilaal

Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista… https://www.facebook.com/172813986670826/posts/424893224796233/ …