Dowlada Oo Kahor Timid Oday Dhaqameed Ay Soo Magacaaben Gudiga Doorashooyinka Jubbland

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hortimid liiska odayaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulaya xildhibaanada maamulkaas, kaas oo maalin ka hor ay soo saareen guddiga madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in liiska  Magacyada Odayaasha la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa,sidoo kalena musharixiinta aysan sidiiwaangelin Karin ilaa la soo xulo Xildhibaannada.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland kala Shaqeyso diyaarinta Odayaashii saxda ahaa ee u diiwan gashay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa ka digtay dhibaatada ka imaan karto hadii la guda-galo soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyada oo aan si sax ah loo marina ma la saxin liiska Odayaasha Dhaqanka.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafaadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.