Dowlada Oo Sheegtay in Ay dileen Ajaanib katirsan Alshabaab

War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka kumaandooska DANAB ay ku dileen mid kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca tababarada, kaas oo lagu magacaabo Ashraf azmi Abu (Hamdan) una dhashay dalka Nepal ee qaaradda Aasiya.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanada Buur-gaduud, Waabo, Salagle iyo Duqay oo hoos yimaado degmadda saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.

Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay howlgalka inuu ahaa mid qorsheysan, kaasi oo ay fuliyeen ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Danab, islamarkaana ujeedkiisu uu ahaa la dagaalanka Xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha ayaa tilmaamay in Sarkaalka la dilay ee u dhashay dalka Nepal ay la dhinteen seddex Xubnood oo la joogay goobta uu howlgalka ka dhacay.

Al-Shabaab dhankooda weli wax war ah kama soo bixin oo ku aadan warkaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya ee ah inay dishay mid kamid ah Saraakiisha Ajaanibta ah ee ka tirsan Al-Shabaab.