Dowlada Oo sheegtay in Muqdisho Ay kamam nuuceyso gaadiidka laga wado dhanka midig

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa soo saartay xeer heer wasiir ah, kaas oo lagu dhaqan gelinayo shuruucda uu gaadiidku lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Cali Gacal Gaaboow ayaa sheegay in xeerkan oo ka kooban 24 qodob ay ku dhaqmi doonaan gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka.

Agaasime Gacal ayaa sidoo kale sheegay in marka Baabuurta lasoo dejinayo lasiin doono Taariko ganacsi oo gaar ah, iyadoo qofka laga iibinayo lagu siin doono Buugga iyo Aqoonsiga uu wato, wuxuuna sidoo kale sheegay in la diiwaan gelin doono dhammaan geerishyada Magaalada ku yaalla.

Xeerkan ayuu sheegay inuu suurto gelin doono in la mamnuuco Baabuurta uu isteerinkoodu yahay dhanka Midig, lana soo celin doono nidaamkii hore Isteerso bidixda si loo badbaadiyo Nafta iyo hantida shacabka raacaya Gaadiidka Dad weynaha.

“Xeerkani wuxuu suurto gelinayaa haddii la dhaqan geliyo in Baabuurtaana la joojiyo, Baabuurtii Waddanka tiillayna ay si nadaam ah u socdaan, xeerkaan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, marka hay’adaha ay tahay in ay xeerkan dhaqan geliyaanna waa war gelinnay waana la socodsiinnay, waxaana rajeyneynaa in marka lagu dhaqmo xeerkaas uu Magaalada Muqdisho is beddel badan ka yimaaddo”. ayuu yiri Agaasime Gacal.

Agaasimaha ayaa shilalka iyo ciriiriga mararka qaar ka jira magaalada Muqdisho ku sababeeyay xeerka wadda marista oo qaldan, wuxuuna sheegay in aysan mar kale soo degi doonin Gaadiid leh shukaan midig leh, kuwa haatan yaallana la marin doono guddiga imtixaanaadka tababarna la siin doono.

Cali Gacal ayaa ugu dambayn sheegay inay soo celin doonaan dhammaan shuruucdii gaadiidka iyo waddooyinka, islamarkaana aan la hubin doono caafimaadka wadaha, Da’da iyo bad qabka gaadiidka si ay u yaraadaan shilalka.