Dowlada Oo Sheegtay in siweyn loo adkeynayo Ammaanka xarumaha degmooyinka

Ammaanka xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa aad loo adkeeyay, kadib markii Al Shabaab todobaadkan iyo midkii ka horeeyay ay qaraxyo ku weerareen xarumaha dgmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag.

Degmooyinka qaar ayaa la sheegayaa in dhagaxaan iyo biro waa weyn lagu jaray wadooyinka gala, sidoo kalena ay jirto feejiganaan dhanka ammaanka ah.

Ciidamo hor leh oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa la geeyay xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, si ay u xaqiijiyaan islamarkaana ula socdaan dhaq dhaqaaqa xeendaabka xarumaha.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan inay yaraadeen dadka adeegga u doonta xarumaha degmooyinka iyaga oo ka cabsi inay dhibaato ka soo gaarto weerarada ay suurtagalka tahay in lala bartilmaameedsado xarumahaasi.

Shalay oo ugu dambeysay Al Shabaab waxay qarax ku weerareen xarunta degmada Hodan oo ay ku dileen shacab iyo ciidan, sidoo kale todobaadkii hore bilawgiisa sidan oo kale ayay u weerareen xarunta degmada Hawlwadaag.