Dowlada oo Soosaartay Dhowr qodob..

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta todobaadlaha ee looga hadlo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Warbixinta oo ka kooban 22 qodob ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda ee todobaadkii lasoo dhaafay, taas oo ay mar kasto.shaaciso wasaaradda warfaafinta.

Halkan hoose ka akhriso qodobada:-

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Djibouti oo Muuqdisho ka soo dejiyay meydka Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay magaalada Djibouti.

3- Meydka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee DFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kuwait kaga qeybgaley tacsida Boqorkii Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmed Al Sabah oo dhowaan geeriyooday.

7- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u dabaal degaya sannadguuradoodii 80-aad, uguna baaqey inay sii labanlaabaan gudashada waajibaadka sugidda amniga qaranka.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay masuuliyadda amniga Madaxtooyada.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Djibouti kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee dalka.

14- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Mareykanka ayaa weerar ay ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku dileen mid ka mid ah horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta Al Shabab oo magaciisa la yiraahdo Macalim Ayman.

16- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Magaalada Riyaad kulan kula yeeshay dhigiisa Dalka Sacuudi Carabiye S/Guud Fayyadh bin Hamed Al- Ruwaili.

17- Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa booqday deegaanka Shabeeloow iyo miyiga hoos yimaada oo ka mid ahaa meelihii dhawaan laga saaray Khawaarijta Al Shabab.

19- Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).

20- Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa Howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka sameeyay deegaano hoostaga gobolada Mudug iyo Shabeelaha Dhexe.

22- Axmed Mursal Maxamed oo looga yaqaanay Khawaarijta dhexdeeda (Qulaan) unaa qaabilsanaa arrimaha xooraanka ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka (NISA) ee Gobolka Bakool.