Dowlada Oo War ka soo Saartay Qaraxyo Kadhacay Muqdisho

Mudo hadda laga joogo in ka badan hal saac ayaa qarax loo adeegsaday gaari waxa uu ka dhacay afaafka hore eeĀ  Maqaayad ku taalla agagaarka Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir,waxaana qaraxaas faah faahin ka bixiyey taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye kuxigeenka Ciianka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday gari noociisu yahayĀ  Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ee Magalada Muqdisho.

ā€œIlaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah. Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo ayay tiri Taliye Zakiya.

Shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqday inayĀ  in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991, sidoo kale waxa ay dalbatay in qof walba uu fiiro u yeesho halka uu dhigayo gaarigiisa.

Qaraxaan Galabta ka dhacay Magalada muqdisho ayaa ahaa qarixii labaad ee ka dhaca isla Maanta Muqdisho,balse qarixii dhacay Maanta barqadii uusan geysan wax khasaaro ah balse kan Galabta ay ku geeriyoodeen ilaa 4 ruux.