Dowlada oo war kasoo Saartay Dagaalkii Saraakiishu Ku dhinteen.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa faahfaahi dheeraad ah ka bixiyay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday oo ay maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka hortageen ciidanka milatariga oo kaashanaya kuwa boolis milataaro oo iyana qayb ka ah howlgallada ka socda halkaasi.

“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta  ayaa a iska Caabiyay maleeshiyaadkii  weerarka  Nafla-caarinimada  ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay dowladda.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu tiro beel yahay, balse ay soo bandhigi doonaan xogta rasmiga ah ee waxyeelada gaartay.

Sarrreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ma soo hadal qaadin khasaaraha dhankooda soo gaaray, maadaama uu ahaa dagaalka mid culus oo ay ku dhinteen saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada ku sugnaa aagga lagu diraray oo u dhexeeya Muqdisho iyo Marka.

Taliyaha ayaa waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka soo weeraray.