Dowlada oo war kasoo saartay duqayn lagu dilay kooxda AS.

In ka badan 70 Khawaarij ah ayaa lagu dilay ilaa 30 kalana waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Maleeshiyaadka halaagsamay waxaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150-Khawaarij ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo aruuriyay.
Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Khawaarijtu daryeel u la’dahay maleeshiyaadka dhaawacyada daran ay ka soo gaareen hawlgalka maanta.
Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu jabiyay Khawaarijta hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah wadanka, waxaana ka go’an dowladda in la sii xoojiyo bartilmaameedsiga Khawaarijta ilaa dadkeenu xor ka noqonayaan cadowga ku soo duulay.
-Dhammaad-
May be an image of text