Dowlada oo war kasoo saartay wararka sheegaya wada hadalada soomaaliya iyo itoobiya,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay kasoo saartay warbixin lagu daabacay Wakaaladda Wararka Reuters ku tilmaamtay mid waxba kama jiraan kaas oo la xiriira arrimaha dhinaca Badda in ay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Dhiggiisa Kenya William Ruto.

Xogta Wakaaladda ay adeegsatay waxa ay kasoo xigatay Korir Sing’oei oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya waxaana uu sheegay in labada Madaxweyne ay isku soo hadal qaadeen damaca gurracan ee Itoobiya ee ka dhashay heshiis-beenaadkii ay shaacisay in ay la gashay Somaliland (Gobollada Waqooyi).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay marnaba gorgortan ama wadahadal ka geli doonin ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed sidaas awgeed warka la baahay aanay ku jirin ajandaha wadahadalka labada Madaxweyne ee Magaalada Nairobi ka dhacay.

balse waxaa ugu dambayn lagu beeniyay qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in aanay jirin xogtaas.

Itoobiya ayaa culays xooggan kala kulantay tallaabadii ay ku shaacisay heshiis-beenaadkii ay sheegtay in ay la gashay Somaliland kaas oo si rasmi ah bannaanka usoo dhigtay 1dii Janaayo sanadkaan 2024 waxaana ka dhashay falcelin xooggan oo Dowladda Federaalka iyo Dalal kala duwan ay ka sameeyeen arrintaas.