Dowlada Dhexe ayaa War kasoo Saartay Weerar Saaka Xubno Katirsan Kooxda AS Ku qaadeen Degmada Ceeldheer Ee Gobolka Galgaduud.
Warkaan kasoo baxay Dowlada ayaa lagu sheegay In Ciidamada Xooga Dalka Iska caabiyeen Xubnihii Weerarka Soo Qaaday Ayna Jiraan Qasaarooyin la Gaarsiiyay.
Sidokale Warkaan lagu Baahiyay Warbaahinta Qaranka ayaa Dowladu ku sheegtay In Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka Ee Kusugan Ceeldheer Sheegeen In Dib Loo Jabiyay Kooxdii Weerarka Soo Qaaday.
Majiro Dhankale wax War ah oo kasoo baxay Kooxda AS oo Ku aadan Weerarkaan ay Ku Qaadeen Fariisin Ciidamada Dowlada ay ku Lahaayeen Magaalada Ceeldheer Ee Gobolka Galgaduud Dowlad Goboleedka Galmudug.