Dowlada Qadar oo Gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir

Dowladda Qadar ayaa maanta Gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir si loo dardargeliso howlaha ka socda  dowladda Hoose ee Xamar.

Madax ka socotay Gobolka Banaadir iyo Dowladda Qadar ayaa Gaadiidkaan Basaska ah ku kala wareegay Gudaha Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Tiradda Gaadiidkaan ayaa gaaraysa 30 Bas oo ah kuwa waa weyn ee dheereeya.

17 ka mid ah Gawaarida ayaa loogu tala galay in loo qeybiyo degmooyinka Maamulka Gobolka Banaadir , waxaana inta soo hartay la siin doono Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.

Gaadiidkaan ayaa waxaa uu ka saaci doonaa maamulka gobolka Banaadir dardargelinta Howlaha maamulka , iyadoona markii ugu horay degmooyinka ay heli doonaan qeybtooda.

Dowladda Qadar ayaa horay ugu wareejisay Wasaaradda Amniga Gaadiid loogu tala galay in ay ku shaqeyaan ciidamada Ammaanka.