Dowlada Qatar oo kubaaqday in lailaaliyo Madaxbanaanida somaalia

Dowladda Qatar ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay ka qeyb qaataan xal u helidda xiisadaha ka jira dalka Soomaaliya iyo ilaalinta madax banaanida dalka Soomaaliya, si loo gaaro dib u heshiisiin qaran.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi, ayaa ka sheegay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, in loo baahan yahay in Soomaaliya laga caawiyo dhameynta xasaradaha ka jiro iyo ilaalinta madax banaanideeda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya u baahan tahay ka taageerada xal u helidda xasaradaha, hirgelinta amniga dhulka Soomaaliya, hellida dib u heshiisiin qaran iyo shacabka ay helaan barwaaqo iy nolol.

“Tan waxaa kaliya lagu gaari karaa dadaal dhab ah oo mideysan, kordhinta taageerada Soomaalida, ka dhabeynta xushmeynta madaxbanaanida Soomaaliya, inaan la faragelin arimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga”. Sultan Bin Saad

“In la siiyo taageero buuxdo oo looga caawinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo la tixgeliyo xoojinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada iyadoo dhinac aan lala safaneyn”. Ayuu sidoo kale yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada Dowladda Qatar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in muhiim tahay kordhinta taageerada ciidamada AMISOM ee howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab u jooga dalka Soomaaliya, wuxuuna ku amaanay Qaramada Midoobay iyo dalalka dhaqaalaha ku taageera AMISOM.

Ugu dambeyn wasiiru dowlaha Madaxtooyada Qatar, ayaa sheegay inay dhankooda kordhin doonaan waddida taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in laga caawiyo Soomaaliya dhanka bini’aadanimada iyo horumarka loo baahan yahay.

Isagoo sheegay inay Qatar ku taageereyso Soomaaliya 200 Milyan oo doolar oo lagu caawinayo taageerada caafimaadka, waxbashada, horumarka Dhaqaalaha iyo mashaariicda beeraha dalka.