Dowlada Ruushka oo ku baaqay in la xoojiyo Ciidanka Somaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in loo baahanyahay taageero rasmi ah oo la siiyo Ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa AMISOM si looga adkaado Al-shabaab.

Wasiir Sergey Lavrov,waxaa uu wareysi siiyay Wargeyska The Reporter ee Dalka Itoobiya,waxaana uu ka wax ka weydiiyay xaaladda Soomaaliya.

Mr Sergey Lavrov,ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu muhiim u yahay amaanka Soomaaliya sidoo kalena loo baahanyahay in xoogga la saaro dhismaha Ciidamada Soomaalida ah.

“Xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee Soomaaliya ee hadda,Ruushka waxaa uu ku darayaa kaliya in beesha caalamka sii waddo taageerrada Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM si wax looga qabto Argagixisada,Burcad Badeedda,kuwa dadka ka ganacsada iyo kuwa tahriibiya”ayuu yiri mr Sergey Lavrov.

Waxaa uu intaas ku daray “Ruushku waxaa uu mar waliba dibadda ka joogaa khilaafkaadka gudaha iyo ku lug lahaanshaha qalalaasaha,waaxana dal diblomaasiyaddiisu nabad ku saleysan tahay”.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov,ayaa la filayaa in todobaadkan uu booqasho ku yimaado qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay ka mid tahay Itoobiya.