Dowlada Sacuudiga Oo Ku Dhawaaqay Markale Tallaabo Oo Ka Dhan Ah Canada

Dowlada sacuudiga ayaa diiday in bukaanada u dhashay dalkeeda lagu soo daweeyo wadanka canada iyadoo labada dal uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya kadib markii safiirka canada laga eryay caasimada Riyaad.

Boqortooyada ayaa war ka soo baxay waxaa sidoo kale ay sheegtay in ay bukaanada ku jira isbitaalada ku yaal wadanka Canada laga saarayo si ay daweyn caafimaad loogu geeyo dalalka Kale.

Saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibeda sacuudiga ayaa warbixintaan waxay u xaqiijiyeen maanta wakaalada wararka ee sacuudiga ee Saudi press agency SPA.

Wasiirka Arimaha dibeda sacuudiga Adel al-Jubeir ayaa sheegay in bukaanada dalkiisa mardanbe daaweyn caafimaad aysan ka dalban doonin wadanka Canada.

Maalin ka hor bayey aheyd markii boqortooyada sacuudiga ay safiirkii canada ugu baaqday in uu ka baxo dalkeeda waxaana ay u yeertay safiirkeedii dalka canada.

Canada ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ee dowlada sacuudiga ay xirtay taasi oo keentay in boqortooyada ay caro ka muujiso warkaasi.