Dowlada Sacuudiga oo war ka soo saartay qarixii kadhacay Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay ciidan ka tirsan Midowga Yurub oo u dhashay dalka Talyaaniga.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii gaari Kaarib ah oo uu kaxeynayay ismiidaamiye Al Shabaab ka tirsan uu qarax la helay mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ah ee ciidanka Talyaaniga ay wateen.

Laba qof oo uu ku jiro ninka is qarxiyay ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo ay ku jiraan arday xilligaasi ka timid iskuulaadkooda waxbarasho.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, wuxuuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarkaasi.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Sacuudiga uu ka soo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha, sida argagixisada iyo xagjirnimada iyo wax kasta oo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah.

Sacuudiga ayaa ugu dambeyn sheegay inuu kordhin doono taageerada Millatari iyo mida dhaqaale ee uu siiyo dowladda madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), si looga adkaado ururka Al Shabaab.

Afhayeenka dhinaca hawlgalada ururka Al Shabaab C/casiis Abuu Muscab oo qaraxan ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen ilaa Afar sarkaal oo caddaan ah, weerarkana uu u dhacay sidii loogu tala galay.