Dowlada Somaaliya oo beenisay qoraal uu daabacy wargeys ka soo baxa dalka sacuudi carebiya

Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis) ayaa beeniyay warbixin lagu daabacay wargeyska Alwaddan ee kasoo baxa Dalka Sucuudiga, taas oo lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku tuhunsan tahay dowladda Qatar taageeridda Alshabaab.

Sheekh Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wargeyskan uu fasiraad khaldan ka bixiyey wareysiga uu siiyey, iyadoona la marin habaabiyey nuxurka hadalladkiisa.

Lataliyaha Madaxweyne Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ayaa tilmaamay in aysan Soomaaliya xamili karin in loo soo tallaalo khilaafyada Gobolka, balse taas baddelkeed ay u baahan tahay in si muuqda loo garab siiyo, looguna taageero shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay mar kale cagahooda ugu istaagi lahaayeen.

“Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Boqortooyada Sucuudiga ma ahan mid uu saameynayo marin habaabinta uu sameeyey wariyaha diyaariyey warbixintan, si taas la mid ah ayeysan waxyeello ku noqonayn warbixintan la marin habaabiyey xiriirka aan la wadaagno dowladda Qatar, sababtoo ah dhammaan dalalka Carabta ee aan bahwadaagta nahay waxaan la wadaagnaa xiriir walaaltinimo oo wanaagsan.”

Sheekh Cali Wajiis ayaa xusay mowqifka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed ay ka taagan yihiin khilaafyada dalalka aan bahwadaagta nahay, mowqifkaas oo ku saleysan dhexdhexaadnimo iyo in laga shaqeeyo isu soo dhaweynta, heshiisiinta iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee lama huraanka u ah horumarka iyo xasilloonida Gobalka.