Dowlada Somaaliya Oo lagu Casuumay Shir Kafurmaya Nairobi

Shirweyne Heer Gobaleed oo looga hadli doona La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda ayaa la filayaa inuu bishan July 10-da ka furmo Nairobi, iyadoo uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres  khudbad ka jeedin doono Furitaanka Shirkaasi oo ka dhici doona Xafiiska QM ee Nairobi.

Hoggaamiyayaal Afrikaan ayaa la filayaa inay Kulankaasi ka qeyb galaan, kuwaasi oo isla wadaagi doona Ajendaha looga hadli doono Shirkaasi.

DFS ayaa la sheegay in lagu casuumay shirkaasi, balse, ma kala cadda inay ka qeyb geli  doonaan iyo in kale.

Warar aan weli la xaqiijinin waxay muujinayaan inay Dowladda ka qeyb geli doonato Shirkaasi oo ay QM leedahay qabanqaabadiisa, balse, mana kala cadda heerka darajo ee Wafdigaasi.

Qabashadda Shirweynaha ka furmi doono Nairobi waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Khilaaf  xooggan oo Diplomaasiyadeed ka dhex aloosan yahay dowladaha Somalia iyo Kenya, oo ay adkaan doonto in si fudud lagu xaliyo qoddobadda la isku hayo oo ay ka mid yihiin Sheegashadda Kenya ee qeybo ka mid ah Badda Somalia iyo Faragelinta Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inay Kulan Khaas ah ku yeeshaan Nairobi, inkastoo aan weli la caddaynin Ajendaha ay isla gorfeyn doonaa.