Dowlada Somaaliya oo Markale kahadashay Mowqifkeeda dacwada bada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay kullan guddiga amniga iyo nabadda ee Afrika oo looga hadlaayay arrimaha dacwadda Kenya iyo Soomaaliya kadib markii ay dowladda kenya horgeysay golaha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada.

Wasiiru dowlaha oo Wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in marnaba aysan dowlada Soomaaliya ka laaban doonin dacwadda Badda ee hortaalla Maxkamadda Caddaalladda adduunka ee ICJ