Dowlada Somaaliya Oo Sheegaty in Uu dib Ubilaabanayaan Wadahadaladii Somaaliland iyo Somaaliya

Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa la filayaa in Maalinta berito  ay ka furmaan shirar horudhac u ah bilaawga wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo dhowr sano aan qabsoomin.

Kulamada  ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD), iyada oo lagu doonayo in la wadahadal siiyo Madaxda Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland oo aaminsan Soomaaliya inteeda kale inay ka go’day.

Ilo xog-ogaal ay u sheegeen  waxaa ay u sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay wadahadalladaas ku meteli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya  Dr Nuur Diiriye( Fursade) & Kaaliyaha Agaasimaha Madaxtooyada Cabdi Sataar Geelle.

Dhinaca Soomaliland ayaa waxaa kulamadaas ka qeyb geli doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, Maareeyaha  Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol & Wakiilka Soomaaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar .

Sidoo kale kulanka ama wadahadallada ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Somaliland Soomaalia Olgan Bekar, Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo iyo Mas’uuliyiin kale.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo sanadkii 2015kii,waxaana dhowr jeer fashilmay wadahadallo la doonayay in ay u bilaawdaan, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi uu Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan wadahadalka.