Dowlada Somaaliya Oo sheegtay in lasameeynayo Isbitaallo lagu daweeynayo Ciidamada xoogga oo laga furayo maamul goboleedyadda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ku aadan in xarumo Caafimaad laga furo meelaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay kaga sugan yihiin maamul goboleedyadda.

Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Prof. Sokor Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda Difaaca ay dooneyso in la xoojiyo adeegyadda Caafimaad ee ay helaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Wasaaraddo ay heysato dhaqaatiir ku filan,islamarkaana dhawaan loo diri doono Saldhigyadda iyo Xarumaha Ciidamada ee ku yaalla Maamul goboleedyadda.

Sokor ayaa sidoo kale xusay in ciidamada xoogga dalka ee kusoo dhaawacma dagaalka lagu jiro Al-Shabaab in ay u baahan yihiin in ay helaan adeegyo Caafimaad oo deg deg ah.