Dowlada Somaaliya Oo Sheegtay in Uu dib ufurmayo Shirka dhuusamareeb

Guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyinka ka hor Shirka Dhuusmareeb 3 ayaa la kulmay madaxweynahayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Balse kulamadan qayb kama ahayn xubnihii meteli lahaa Maamul goboleeddada Puntland iyo Jubbaland.

Sii-hayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shir guddoominayey kulamada ay guddidaasi yeesheen ayaa sheegay in wajiga saddexada ee wadahadalada ay qabsoomi doonaan waqtigii loogu talagalay.

Wasiirka oo BBC u waramay ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan sidii uu shirkaasi waqtigiisii ugu qabsoomi lahaa.

“Ku talagalku waa sidaa, sidaa ayaan anagu farsama ahaan ku talajirnaa bisha 15 inuu shirka ka furmo magaalada Dhuusamareeb, ,” ayuu yiri Mr Jaamac.

Siihayaha Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa intaa ku daray in ay wadaan qorsha ku aadan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada kala aragtida duwan,

“Waxaan wadnaa sidii aragtiyaha kala duwan la isugu keeni lahaa, sidii la isugu keeni lahaa doodaha siyaasadeed ee wadar-ogolka ah iyo kuwa dastuuriga ah ee jira sidii la isugu keeni lahaa, loona heli lahaa hanaan doorasho oo la wada ogol yahay, ,” ayuu intaa ku daray Mr Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale qiray in shirka guddiga Farsamada ee habsami u socodka iyo ka baaraandegidda arrimaha doorashooyiinka ee Muqdisho ka dhacay ayasan ka qeyb galin xubnihii matalayay maamulada Jubbaland iyo Puntland.