Dowlada Somaaliya oo u diyaar garoobeysa sidii AMISOM ay ugala wareegi laheyd ammaanka dalka

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineysa sidii ay Ciidamada AMISOM kala wareegi lahaayeen sugidda guud ahaan ammaaanka dalka.

Agaasimaha Wasaarada Gashaandhiga Soomaaliya Dr. Sokorow Jaamac ayaa xusay, in Soomaaliya ay horay u socoto, ay ku xiran tahay in ciidamada Soomaaliya ay si kalsooni ah ay kala wareegaan AMISOM dalkooda, markaas oo uu sheegay in Soomaaliyana ay gaartay isku filnaan.

Waxa uuna ugu baaqay in shacabka ay si dhaw ula shaqeeyaa Ciidanka islmarkaana ay u garab istaagaan sidii ay ku noqon lahaayeen kuwa hora u socda.

Dhanka kale Agaasimaha Wasaarada Gashaandhiga Soomaaliya Dr. Sokorow Jaamac waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan in si deg-deg ah ay Isbitaalo ay uga hirgaliyaan furumaha hore ay ciidanka ku sugan yihiin.

Isagoo tilmaamay in ay ku filan yihiin baahiyaha maalinlaha ah ee ay qabaan Ciidanka, waxa uuna sheegay in daawooyin, qalab caafimaad iyo dhakhaatiirba ay u dhameystiran yihiin.

Hogaanka sare ee AMISOM, ayaa horay u sheegay in ay bilaabayaan in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya sanadkan 2018 gudihiisa.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa hadda ku tiirsan ciidamo ka socda Midowga Africa oo gaaraya 22 kun oo askari. Ciidankaas ayaa ilaaliya madaxda dowlada iyo ilaha ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka sida qaar ka mid ah dekdaha iyo garoomada dalka.