Dowlada Somaaliya Oo Wefdi udireysa Beledweyne iyo Baardheere

Wafdi  ka socda dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guddiggii dowladda Soomaaliya ay u xil saartay Fatahaadda Wabiyadda Shabeelle iyo Jubba ayaa lagu waddaa in ay maanta gaaraan Magaalooyinka Baardheere iyo Baledweyne oo ah meelaha ugu daran.

Wafdiga ku wajahan Baledweyne ayaa lagu waddaa in ay halkaasi gaarsiiyaan gargaar hor leh, halka midka ku wajahan Baardheere ay soo qiimeyn doonaan Xaaladda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in horay Milyan Doolar dawladdu ugu yabooday gurmadka hase yeeshee dhibaatada ay daadaku geysanayaan oo soo korortay aawadeed in dawladdu mar kale ay bixineyso Nus Milyan doolar oo dheeraad ah si loogu biiriyo gargaarka.

“Warbixinta aan helnay ayaa sheegeysa in deegaanno kale oo badan ay daadad saameeyeen, marka dawladdu waxa ay bixineysaa Nus Malyuun dheeraad ah si loogu gargaaro dadka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Mudane Khadar ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ee wax heesta ay ka qeyb qaataan gurmadka si loo badbaadiyo Kumanaaka Ruux ee dhibaatadu kasoo gaartay daadadka.