Dowlada Somalia Oo Ka Qeyb Gashay Shir Lagu Soo Gaba-Gabeeyay Tuunis

Shirka Sanadlaha ah ee Macadka Qorsheynta ee dowladaha carabta ayaa lagu soo gaba-gabeeyay dalka Tuunis, Shirka waxaa ka qeyb galay wasiiradda Qorsheynta Carabta, waxaana shirka sanadkaan diiradda lagu saaray qodobo dhowr oo muhiim u ah horumarinta Wasaaradaha Qorsheynta dalalka Carabta.

Waxaa dowladda Soomaaliya ugu qeybgalay Wafdi ay hogoominayso Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Marwa Fahma Maxamed Nuur, waxaana dowladaha carabta ay warbaxin ka siisay howlaha adag ee dalka ka socda, gaar ahaan diyaarinta Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka iyo hanaanka uu ku socda geedi socodka wada-tashiga iyo qoristiisa.

Sidoo kale Wasiir Fahma Maxamed Nuur ayaa qudbadeeda kaga hadashay xaaladda xiligan Soomaaliya ay taagan iyo sidii loo gacan qaban lahaa, dhinacyada sare u qaadista Waxbarashada shaqaalaha iyo aqoonyahanada u shaqeeyo dowladda.