Dowlada Somaliya Oo Kahadshay Wararka Sheegaya In Itoobiya Ay dhexdhexadineyso Somaliya & kenya

Saacadihii  la soo dhaafay ayaa waxaa Warbaahinta Kenya qaarkood iyo kuwa Gudaha Soomaaliya ay qorayeen in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay kulmayaan.

Hayeeshee warkasi waxaa been abuur ku tilmaamay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad,waxana xusid mudan in warka ku saabsan in wadahadal laga gelayo Badda Soomaaliya horay u beenisay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Warbaahinta Soomaalida ay mar walba ku dhiiradaan wararka been abuurka ah,waxaana wasiirka uu sheegay in Go’aanka la xiriirta Badda Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay uu weli sidiisa yahay,isla markaana uusan jirin wadahadal laga galayo.

Warbaahinta Kenya ayaa dhowr mar qortay warar la xiriira Arrimaha Soomaaliya,kuwaas oo aan dhicin,hayeeshee weli dad badan ay aaminaan Warbaahinta dalkaas, iyada oo la ogyahay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay Badda Soomaaliya oo ay Kenya muranka gelisay.