Wararkii ugu dambeeyay Ee ka imaanaya xadka ay ku kala qeyb-samaan Goballada Galgaduud iyo Sh/dhaxe ayaa sheegaya in saaka salaadii Subax ka dib diyaaradaha dagaalka ay duqeyma culus ay fuliyeen
Duqeymaha ayaa sida la sheegay ka dhacay halka loo yaqaano Hareeri Culusoow iyo Raydab boore oo ah dhul hood ah sida Saraakiisha aan ka soo xiganay
Ilaa 6 saalbo oo culus ayaana Eeriyadaas ku dhacay sida ay sheegeen dadka Deegaanka iyo saraakiisha, waana goob looga cabsanayay AS saldhigna u ahaa in mudda ah
Ma jirto cid bixi karta Faah Faahin Rasmi ah maadaama Dowladdu aysan halkaasi gacanta ku hayn, Laakiin waa inta u dhaxaysa Ruunirgood iyo Galcad