Dowlada Soomaaliya Ayaa Ciido geyneysa Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarad gaar ah u dirtay degmada Doolow ee ku taalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, si ay dib ugu soo celiso Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale oo qeyb ka ahaa wafdigii shalay laga hor istaagay inay ku dagaan garoonka degmadaasi.

Warar aan helnay ayaa tilmaamaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay diideen in diyaaraddii ay saarnaayeen wafdigaasi ay ku degto garoonka Doolow.
Arrintaasi ayaa sababtay in diyaaradda ay ku qasbanaato inay u leexato dhinaca Doolow ee Itoobiya, halkaas oo wafdigu muddo kooban kusii sugnaayeen.

Ugu dambeyn, diyaaraddii saraakiisha waday ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho, iyadoo wararku sheegayaan in rasaas loo adeegsaday diyaaradda, taasoo sababtay waxyeelo aan faahfaahin laga bixin.