Guddoomiyaha Hay’adda Maareynya Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta shirweyne muhiim ah ka daah-furay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo qorshaha ka jawaabista baahiyaha bani’adamnimo ee sanadkaan 2024.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnimo ee Soomaaliya George Conway, sidoo kale waa goobjoog ka ah wasaaraddaha gargaarka dowlad goboleedyada, Hay’addaha ka shaqeeya samafalka, Deeq-bixiyayaasha iyo madax ka socotay hay’adda QM ee ka shaqeeya samafalka.
Hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qabta arrimaha samafalka ayaa shirkan ku dalbaday lacag dhan $1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Soomaaliya way ka fiicnaaneysa sida insha allah, laakiin weli xaaladdii waa ku jirnaa”.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay isugu darsoomeen fataahado ka dhashay roobabkii Elnino-da kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.