Dowlada Soomaaliya oo Garab Taagtay Jaamacadda Carabta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u muujisay taageerada ay u hayso Ururka Jaamacadda Carabta, kaddib markii ururkaasi uu toddobaadkan wajahaya dhaleecayn ka timid Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya, Sulaiman Dedefo Woshe, oo ku eedeeyay in uu garab u noqday Dowladda Masar.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay si muuqata u garab istaagtay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo nabadeynta dalka. Waxa uu tilmaamay in doorka ururkaasi uu yahay mid muhiim u ah mideynta dalalka xubnaha ka ah iyo xoojinta wada shaqeynta dhexdooda.
“Ururka Jaamacadda Carabta wuxuu u taagan yahay isku xirka dalalka xubnaha ka ah, si ay uga wada shaqeeyaan danahooda guud. Soomaaliya waxay xubin ka tahay ururkaas, waxaana mar walba garab taagnaa oo gacan naga siiyay dib u dhiska dalka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya dhawaan heshiis dhinaca amniga ah la gashay Dowladda Masar, oo iyaduna xubin ka ah Jaamacadda Carabta. Tallaabadan ayaa timid iyadoo Masar iyo Itoobiya ay ku loolamayaan arrimaha la xiriira biyaha Webiga Nile, taas oo keentay in Dowladda Itoobiya ay dhaliilo u jeediso ururka Jaamacadda Carabta iyo xulafadeeda.