fbpx
Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo gudbisay Jawaabihii Muranka Badda ee Soomaali iyo Kenya

Dowlada Soomaaliya oo gudbisay Jawaabihii Muranka Badda ee Soomaali iyo Kenya

 

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay gudbisay Jawaabihii laga sugaayay ee ku aadan dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya.

Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku gudbisay dhammaan Jawaabihii laga rabay , Maadaama Maxkamadda Caalamiga ah ay qabashay in ay qaadayso  Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa uu sheegay in hadda uu bilowday waji cusub oo ah in Soomaaliya iyo Kenya Cidwalba waxa ay ku doodayso in ay keento Cadeyntooda, maadaama hadda loo gudbay sheegashada lahaansha.

Waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo,  si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal.

Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya in marar badan ay ka baaqsatay inay ka qeyb gasho wadahadallo labo geesood ah oo looga xaajoon lahaa xallinta muranka labada dal.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah