Dowlada Soomaaliya Oo Qaaday Talaabooyin Hor Leh Oo Ka Dhan Ah Itoobiya…

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay garab ugu helayso dagaalka ka dhanka ah damacii Itoobiya ee helitaanka Bad.

Dadaaladda dowladda ay ku xoojineyso difaaca danaha Qaran iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyadaas diblomaasiyadeed laga dareemay gobolka iyo caalamka, gaar ahaan dalalka saaxibada la ah Soomaaliya.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaa xalay kula kulmay Nairobi Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto.

Madaxweynaha Kenya ayaa kulankaasi ku adkeeyay muhiimadda madax-bannaanida iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo axdiyada caalamka u degsan.

Sidoo kale waxaa maanta la filayaa in Waaaaradda Arrimaha Dibadda iyo La-taliyeyaasha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarzha la kulmaan safiirada dalalka caalamka u joogo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Masar iyo Amiirka Qatar, waxaana maanta la filayaa inuu madax kale oo dalalka daneeya Soomaaliya la hadlo, si uu taageero diblomaasiyadeed iyo garab istaag uga helo.

Dowladda Masar ayaa hadda u muuqata inay heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid taageero caalami ah u raadsaneysa difaaca dhulkeeda, kadib markii ay shalay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.