Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Dishay Mid Kamid ah Hugaamiyaasha Kooxda AL-Shabaab…

Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay in “Duqeyn dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamadda Mareykanka lagu dilay Horjooge Khaliif Daa’uud”.

Warbaahinta Ciidanka milateriga ee Soomaaliya oo soo xiganaysay taliyaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin waxay sheegeen in Khaliif oo magaciisa afgarashada uu yahay Macallin Ayman lagu dilay duqayn ka dhacday Jilib.

Dawladda Maraykanka ayaa madaxiisa dul dhigtay 10 malyan oo dollar ayadoo ku eedeysay inuu ku lug lahaa weerarkii ay ku dhinteen Maraykanka iyo Keenyaanka ee ka dhacay saldhigga ciidamada Manda Bay ee gobolka xeebta ee Kenya bishii Janaayo 2020.

Wuxuu si gaar ah al shabaab ugu qaabilsanaa weerarrada koofurta Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna ahaa, sida ay ilo kala duwan sheegeen aasaasihii kooxda Jaysh Ayman oo u badan dagaallameyaal Al shabaab ka tirsan laakinse ka soo jeeda Kenya.

Warar ilo kala duwan aan ka soo xigannay waxay sheegayaan in qiyaastii 13 sano ka hor la aasaasay kooxdan. 2013 ayey Al Shabaab kooxdan u xilsaareen inay weerarro weerarro ka gaystaan dalal ay Kenya ka mid tahay.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in ay raggii kooxdaas ugu waaweynaa ee uu ku jiray Macallin Ayman qaarkood ay noolaayeen, marka laga reebo Mussa Asad oo ahaa dagaallame Kenya u dhashay.

“Waxaa loo arkaa inay ahaayeen jabhadda ugu adag ee Al Shabaab ka tirsan, xubnaheedana u baahan yihiin inay maraan hanaan adag marka la xulayo. Tababar adag oo lix bilood ilaa sannad ah ayey maraan, waxaana ku jira in la lugeeyo masaafo aad u dheer oo boqolaal kilo mitir ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo xigatay jariidadda The Star ee ka soo baxda Kenya.