Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in dhawaad dib loo bilaabi doono dhoofinta Xoolaha

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha dalka ay meel wanaagsan ay marayaan, lana Qaaday Xayiraaddii saarneyd  Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya ee Loo dhoofin Jiray Dalka Sucuudiga Taas Oo Lasaaray sanaddii 2016-kii.

Dalka Sacuudiga oo ah dalka ugu badan oo Soomaaliya looga dhoofiyo Xoolaha Nool ayaa bishii September ee sanadkii 2017-dii xayiraad saaray in loo dhoofiyo Xoolaha nool una  sababeeyay in Xoolaha Soomaaliya ay qabaan Xanuunka Rift Valley,balse Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ayaa xaqiijisay inaan xanuunkaasi aysan qabin Xoolaha Soomaaliya,sida uu Wasiirka sheegay.

Wuxuu sheegay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Mudane Sheikh Nuur Maxamed Xasan in 24-kii bishii Augosto ee sanadkii 2017kii shir ay la yeesheen Wasaaradda deegaanka,Biyaha iyo Beeraha dalka Sacuudiga ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah dalkeenna oo ay ugu muhiimsaneyd in Sacuudiga qireen badqabka iyo caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso waxaa ka mid ah dalka Masar,Cummaan oo xiriir wanaagsan ee dhanka dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya,Yemen iyo Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Xoolaha looga dhoofiyo Soomaaliya sanadaha soo socda la kordhin doono.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya wuxuu sheegay in la abuurayo  Suuq Cusub oo Ganacsiga Xoolaha Ah.