Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa habeenimadii 26-ka Oktoobar 2025 duqeyn qorshaysan ka fuliyay magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, Maxamuud Cabdi Xaamud, oo loo yaqaanay Jacfar Gurey.
Jacfar Gurey wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii kooxda Al-Shabaab, isagoo xiriir dhow la lahaa horjoogayaashii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye. Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan sida Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Madaxda Al-Shabaab, iyo Madaxa Dabagalka, kuwaas oo dhammaantood la xiriiray hawlaha sirdoonka iyo qorsheynta weerarrada argagixisada.
Dhagarqabahan ayaa sidoo kale door weyn ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee kooxda, isagoo qayb ka ahaa lacag laga dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo lagu maalgeliyay aasaaskii Al-Shabaab.