Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay weerarkii ka dhacay Ruushka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarkii dhimashada iyo dhaawaca aadka u badan sababay ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka ee xalay dhacay.

Qoraal lasoo dhigay barta Madaxtooyada Soomaaliya ee Mareegta X ee horay loo oran jiray Twitter waxaa lagu cambaareeyay weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 60ka ruux kuna dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Weerarkaan ayaa ka dhacay goob shineemo ah oo lagu daawanayay Ruwaayad sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaalada Moscow oo goobtaas gaaray kaddib markii weerarkaas uu dhacay.

Xukuumadda Moscow ayaa lagu wadaa in ay war kasoo saarto weerarkaan waxaana haatan baaritaanno xooggan kawada Ciidamada gaarka ah ee qaabilsan ka falcelinta weerarrada halista badan ee caynkaan oo kale ah.