Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Ciidamada Federaalka ka baxeen Maagalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada Axmed Madoobe ku eedeysay inuu dagaal ku soo qaaday Ciidanka oo xilligaasi aan amar dagaal qabin.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen magaalada Raaskambooni si ay u xaqiijiyaan amniga goobihii ay ka baxeen ciidanka ATMIS.
Maamulka Jubbaland ayaa hore u sheegay in ciidamadooda ay la wareegeen magaalada Raaskambooni oo ay hore ugu sugnaayeen ciidanka dowladda.
Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa sheegtay in askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka ay soo gaareen xadkeeda, kuwaasi oo ka soo tagey magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.