Dowlada Talyaaniga oo meel mariyay shuruuc adag oo soo galootiga ka dhan ah

Dawladda Talyaaniga ayaa meelmarisay sharci sahlaya in la tarxiilo dadka soo galootiga ah iyo in dhalashada Talyaaniga lagala laaban karo.

Dadka soo galootiga ah ayaa dalka laga eryi karaa haddii lagu helo dambiyada halista ah sida kufsiga iyo tacaddiyada.

Arrintaas ayaa markii hore suurta galikartay oo kali ah haddii la maro nidaam dheer oo racfaanno badan laga qaadan karo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Matteo Salvini ayaa arrintan ku tilmaamay “tallaabo horay loo qaaday, si Talyaaniga looga dhigo goob ka ammaansan sida uu hadda yahay”. Si uu sharcigani u dhaqan galo wuxuu u baahan yahay taageerada xildhibaannada.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in dadka magan galyo doonka ah aan codsiyo laga aqbali doonin haddii lagu eedeeyo in ay daroogo ku lug leeyihiin, sida uu sheegay Salvini.

Masuulkan ayaa dadka dhexdooda caan ka noqday tan iyo markii ay dawladdiisu billawday hawlgallada ka dhanka ah dadka soo galootiga ah, xukaamadda hadda talada Talyaaniga haysana waxay ka kooban tahay xisbiga League ee siyaasaddiisu garabka midig tahay iyo xisbiga Five Star Movement oo awoodda qabsaday Juunyo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay inta badan is qabtaan dadka maraakiibta adeegsada ee muhaajiriinta badbaadiya, bishii horana waxay si cad uga soo horjeedsatay in markab laga soo dajiyo 150 muhaajiriin ah oo jasiiradda Sicily ku soo xirtay.

Salvini waxaa ku socda baaritaan ku saabsan doorkii uu ku lahaa murankaas.