Dowlada Turkiga oo dhowaan billaabaya howl-galka Syria

Saraakiisha militariga Turkiga ayaa sheegay in ciidamadooda ay diyaar u yihiin inay billaabaan howl-galka muddada la qorsheenayey ee ka dhanka ah ciidamada Kurdish-ka ee gudaha dalka Syria.

Ciidamadan, oo Ankara ay ku sheegtay inay yihiin argagixiso, ayaa Reer Galbeedka u arkaan saaxiibo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Daacish.

“Ciidamadeena guuleystayaasha ah waxay diyaar u yihiin Howlgalka Aaga Amniga” waxaa sidaas barta twitter-ka soo dhigay ciidamada Turkiga, oo ballan-qaaday dagaal ka dhan ah wax ay ugu yeereen argagixisada Kurdish-ka iyo kuwa Daacish.

Dhinaca kale, agaasimaha warfaafinta xafiiska madaxweyne Erdogan Fahrettin Altun ayaa faallo uu ku qoray wargeyska Washington Post ku sheegay in ciidamada Turkiga oo ay wehliyaan Ciidamada Xoreynta Syria “ay dhowaan ka gudbi doonaan xuduudda Syria.”

Altun ayaa ugu baaqay bulshada caalamka “inay taageeraan dadaallada dib u dhiska iyo xasileynta Turkiga,” waxaana uu sheegay in damaca Turkiga ee Syria uu yahay kaliya “in meesha laga saaro halis muddo fog ay wajahayeen muwaadiniinta Turkiga.”

Dhinaca kale, ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF) ee uu Mareykanka taageero ayaa ugu baaqay caalamka inay u dhaqaaqaan sidii looga fogaan lahaa musiibo bani’aadamnimo oo ka dhacda waqooyiga Syria.