Dowlada Ugand oo Soomaaliya u Soodireysa Ciidamo Dheeraad ah.

Taliyaha ku xigeenka Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Francis Takirwa, ayaa la hadlay cutubyo cusub oo dhawaan u ambabixi doona Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howlgalka nabad ilaalinta AUSSOM.

Jeneraalka ayaa ciidamada ku booriyay in ay ilaaliyaan midnimada Afrika iyo anshaxa ciidamada, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadaniyadda iyo u adeegidda danaha qarankooda.

Wuxuu xusay in howlgalka Soomaaliya uu yahay mid muhiim ah, loogana baahan yahay ciidamada in ay xoojiyaan nabadda isla markaana ay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Uganda ayaa weli ah dalka ugu badan ee ciidamo ka jooga Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfureed ee dalka.